Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Horumarka Shacabka Oo Guul U Rajeeyay Golaha Wasiirada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Cali Maxamuud Ciise Cali Guray ayaa lagu soo dhaweeyay Golaha Wasiirada ee uu magacabay , Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dhawaana ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxaa-Ka-Taqaana-Tariikhda-Wasiirka-Xama

Waxaa lagu sheegay qoraalka Xisbiga Horumarka Shacabka in talaabo wanaagsan ay tahay in kaalin muuqata laga siiyo dhallinyarada Wiilasha iyo Gabdhaha ee ka soo muuqday Golaha Wasiirada.

122775809_2830010630563386_3157097762605

“Golaha Wasiirada ee cusub waa in  ay xooga saaraan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ku dhacdo waqtigeeda una dhacda si hufnaan ah”

122713783_2830010567230059_6494545930128

Xisbiga Horumarka shacabka ayaa sidoo kale ugu baaqaya madaxda  Dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada in si wadajir ah ay uga shaqeyaan qabsoomida doorashooyinka iyo dhaqan galinta heshiisyadii la gaaray.

119198122_3341295842621537_7299847245890

Ugu danbeyn  Xisbiga Horumarka shacabka wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka ,Maamul Goboleedyada iyo saamilayda siyaasada in laga wada shaqeeyo  dhamaystirka hannaanka doorashooyinka iyo geedi socodka horumarka Soomaaliya.

119082818_3341296589288129_7172255083707

Daawo Warbixin Ku Saabsan Qoraalka Ka Soo Baxay Xisbiga Horomarka Shacabka

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this