Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Xildhibaanno Ka Hadlaya Sun Ku Jirta Dalagyada Beeraha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa magaalada Muqdisho ayaa la horgeeyey shuruuc dhowr ah, kuwaas uu jiray H/Sh adeegyadda baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo xiligaan muhiimad gaar ah u leh Beeraleyda dalka.

Xildhibaan Cabdulqaadir Siisii oo golaha ka hor hadlay ayaa yiri” Dalagga, kulli ama waxyaabaha waxaan dhihi karnaa waa wax intooda badan sumaysan, suntan dadka yaqaano ayaa yaqaano markiiba dadka waa ay samaynaysaa, kuwana muddo dheer kadib bey qofka jirkiisa kasoo baxdaa. .

Xildhibaanka oo sii hadlaayo ayaa yiri” Waxaad ogtihiin beeraha aan annagu hadda leenahay aad ayey u sumaysan yihiin, hey’ado ayaa waxaa ay u qeybyeen abuur iyagaa kor ka keeno, annaga oo badarkii heysano Galeeydii iyo Masagadii oo aan heli karno ayaa inta la keeno ayaa waxaa la leeyahay abuur waayee ku beerta, micnaheedu maxay tahay waa nala sumeeyey.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo ka hor hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay baaritaan” Daawooyinka Cayayaanka ama cudurada iyo Feyruska lagula diriro ma yihiin daawooyin sax ah aan dalaga waxyeeleyn dadka cunayana aan waxyeeleyn iyo ciidda, waxaad ogtihiin banii’aadamku waxaa uusoo maray heerar beeshada ah, kan casriga ah oo hadda jira waxaa waaye daawooyin waxaa jira cimiladana Qatar ku ah dadkana Qatar ku ah.

Xildhibaan Cabdinaasir ayaa golaha ka hor yiri” Dowlad weliba waxaa ay xoogga saartaa in ay dalkooda u helaan cuno, cunadaasna waxaa ay ku imaan kartaa maahan wax dibadda laga keenay oo laga soo dhoofiyey, ee dal weliba wixii isagu beertay ayaa ku filnaada, waxaan aamnisan nahy in sharcigaan uu muhiim u yahay Beeraleyda Soomaaliyeed

Xildhibaan Axmed Taaw oo golaha isaguna ka hadlay ayaa yiri” Waxyaabahaas oo dhan waxaa keenay qalab lagu baaraayo oo aan jirin iyo hey’ad tayeyntaas qaabilsan, hey’addaan dhismaheeda muhiimadaas ayey ledahay, aad ayaan u soo dhoweynayaa in la dadejiyo dhismaha hey’addaan, balse laga fakaro wixii hadda Lubnaan ka dhacay waad aragteen Kiimiko la xareeyey ayey aheyd.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this