Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Cumar Filish oo xaalad caafimaad u jooga Turkey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish uu arrimo caafimaad u joogo dalka Turkiga.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in guddoomiye Cumar Filish uu ku soo kacay xanuun la sheegay in uu ka dhashay dhaawac hadda ka hor ka soo gaaray madaxa gaar ahaan meel u dhaw Isha.

“Xanuun weyn ma ahan waa dhaawac mararka qaar ku soo kaco oo isha agteeda ah waana firir aan la bixin kirin, haddana waa caadi xaaladdiisa waxaan dhihi karnaa waxa uu u baxay hubin caafimaad oo kaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir sidoo kalane aad ugu dhow guddoomiyaha.

Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku maqnaa dalka Turkiga waxaana la sheegayaa in uusan ilaa hadda imaanin. Cumar filisha ayaa ka maqnaa shirar iyo munaasabado ka dhacay Muqdisho maalmihii tegay.

Caasimada Online ayaa sidoo kale dhowr maalmood ka hor werisay inuu arrimo caafimaad dalka Turkiga u joogo wasiirkii hore ee waxbarshada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

The post Xog: Cumar Filish oo xaalad caafimaad u jooga Turkey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this