Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xubno iyo saraakiil Shabaab ah oo laga qabtay xaafadda ku dhow Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa dhowr habeen ka hor xaafada Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab ka qabtay afar nin oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xubnahaan laga qabtay guri ay daganaayeen oo loogu galay saqdii dhexe ee 22-kii bishaan. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Xaafad isku raran ah oo u dhow Iskuul Buluusiya, sidoo kalane u dhow Xarunta Xalane laga qabtay raggan.

Xog ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in guriga raggan la weeraray kadib markii la helay xog sirdoon oo sheegeysa in shaki badan laga qaaday ragga. Waxaa hadda socda baaritaan lagu hayo raggan.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milateri ayaa sidoo kale 25-kii bishan baritaano xoog leh ka sameeyay xaafadii laga qabtay ragaan iyadoo damiin laga qorayay guri kasta.

Baaritaanka lama sheegin wax dad ah oo lagu soo qabtay hase-yeeshee waxaa xaafad kasta la weydiinayay qof damiin ka ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

The post Xog: Xubno iyo saraakiil Shabaab ah oo laga qabtay xaafadda ku dhow Xalane first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this