Deeq A. Posted October 26, 2020 Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah u safraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Safarka Madaxweyne Deni ee dalka Ethiopia, ayaa ku saabsan Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Wax soo-saarka Khudaarta, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Safarkiisa ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu Madaxweynuhu si rasmiya u furay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, islamarkaana ka jeediyay khudbada Dastuuriga ah. Ethiopia iyo Puntland, waxa ka dhexeeya xiriir Ganacsi oo u badan wax soo-saarka gudaha, kaas oo isaga gudba xuduudka labada dhinac ee ku dheraran Gobollada Mudug iyo Cayn, kuwaas oo soohdin la wadaaga Gobolka Doollo ee Dowlad degaanka DDS. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta o safraya Ethiopia appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites