Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Liis xildhibaano ah oo qoran oo loo dhiibay gudiga farsamada HirShabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa sheegay in aysan heysan madaxbanaani ay ku gutaan shaqooyinka horyaalla, islamarkaana loo dhiibay liis xildhibaano oo qoran.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa Caasimada Online u sheegay in inta ugu badan ay diyaarsan yihiin Xildhibaanada cusub ee HirShabeelle, waxaana lagu soo diyaariyay magaalada Muqdisho iyadoo aysan ka war-qabin beelaha iyo xubnaha guddiga farsamada.

“Xildhibaanada waa diyaarsan yihiin 80% waxyar oo ay ka taagan doodo ayaa dhiman waxaana lagu soo diyaariyay Muqdisho, annaga ka guddi ahaan door muuqda haba-yaraatee kuma lihin howlaha socda, laakiin magacayna ayaa lagu shaqeestaa qaarkeynna waa la adeegsadaa inta soo hartayna qof la tashato ama howl u dirsato maleh,” ayuu yiri masuul ka tirsan guddigaan oo aan qarinay magaciisa.

“Guddiga dhan waxaa ka shaqeysa 3 nin, iyagana uma madaxbanaana shaqada ee wixii loo diro ayey qabtaan, beelaha intooda ugu badan soo xulista door kuma lahan, dhamaan xildhibaanada hal nin ayaa go’aan ka gaara, waana musharax ay dowladda wadato,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulkaan ka tirsan guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle.

Caasimada Online ayaa horey u shaacisay in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle.

The post Xog: Liis xildhibaano ah oo qoran oo loo dhiibay gudiga farsamada HirShabeelle first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this