Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rooble oo booqday jidkii u xirnaa safaaradda QATAR oo dib loo furayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka.

Waddadan ayaa in ka badan lix sano u xirneyd safaaradda Qatar ee Soomaaliya, oo bartamaha jidka ka dhistay darbi kala gooyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda.

“Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.

Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka.
DCAD6A0E-0663-4395-8FC9-8479228003D0.jpe 0341C473-2A4D-4A2A-AE28-F91EE7D6F132.jpe 9DBA6613-BF4C-44DD-93EF-ED1357455354.jpe 3E7DBDB8-CEBB-4371-9B44-2F62C3C0EB75.jpe E77AC741-EF9D-4027-9613-074578129EB1.jpe 7B04A42E-1270-4848-9283-42B30C64AE80.jpe

The post Sawirro: Rooble oo booqday jidkii u xirnaa safaaradda QATAR oo dib loo furayo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this