gooni Posted October 26, 2020 Haduu dalkiisa cadawga ka celin lahaa maalintii loo dhiibay diyaarad afar saaruukh wadadata, maanta wiil yar oo Shaah ku cadaystay xoor buluug ah dhulkiisa hooyo lagama masaafuriyeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 26, 2020 Quote Haduu dalkiisa cadawga ka celin lahaa maalintii loo dhiibay diyaarad afar saaruukh wadadata, maanta wiil yar oo Shaah ku cadaystay xoor buluug ah dhulkiisa hooyo lagama masaafuriyeen. Intuu deganyahay hadda? Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted October 26, 2020 6 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said: Intuu deganyahay hadda? Wuxuu sheegay inuu ku nool yahay Luxembourg oo berigaas loo qaaday ilaa iyo hada. Waxay ku abaal mariyeen sacab daciif ah iyo ayagoo ciyaalka ka codsaday inay funaanadaha ku sawirtaan, si ay cuqdada ugusii kobciyaan. Haday daacad u yihiin waxay ku dhihi lahaayeen. Buurta sheekh agteeda guri aan kaaga dhisno, gabar ilko casna aan ku siino abaalkaaga snm ma gudi kartee, waa haduu qoriga xabad gelin karo oo aysan da' hayn. Su'aal kasta oo la waydiiyay duuliyaha waxaa ka dhalanaysay su'aal kale, laakiin snm ma doonayso in mashruuca laga shakiyo. tusaale Wuxuu sheegay in meelaha loo cayimay inuu duqeeyo lasoo tusay asagoo diyaarad kale saaran. meelaha maxaa ku jiray nooma sheegin, ma jabhadaa ku jirtay? ma suuq yaanyada lagu gado bay ahayd? ma guryo shacab bay ahayd? ma wada xasuuq baa lagu yiri? Waxaan ku qiyaasay markaan fiiriyay hadalkiisa asagoo buufis u qaba inuu yurub iska dhiibo in diyaaradii cilad baqdin galisay ku timid dhanka cimilada, sidaasna uu sheekadii ugu badalay tacaaduf iyo qalbi furnaan. Siyaad barre allaha u naxariisto dadka wuu iska cantoobsan jiray macnaha qabiil uma kala saari jirin. Haduu dadka kala saari lahaa midkaanoo kale duuliye qaran ma noqdeen lo'duu maakaalka kusiin lahaa jawhar iyo aadan yabaal dhexdooda. Wuxuu ag fadhiyaa casaabad gooni goosad ah waxay arkaana waxay ugu neceb yihiin calankii buluugga ahaa oo wax soo baray inuu difaacana xaqa ugu yeeshay. Muu waydiiyo haduu fiyowyahay siyaad barre kaligii taliye aan ka wada adkaanay buu ahaa ee walaalayaal maxaad ku nacdeen midabka buluugga ah iyo calanka soomaaliya? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 26, 2020 LOL Maxaa ka rabtaa ninyahow,, he gotta visit where his fabase is. Quote Share this post Link to post Share on other sites