Deeq A. Posted October 25, 2020 GUNDHIG Bulsho walba oo meel ku nool waxaa ka dhexeeya dano ay bulshadaasi u simantahay. Sidoo kale, waxaa si gaar-gaar ah loo kala shinsadaa dano qofeed ama kooxeed oo ka sokeeya danta guud. Si danta guud bulshada loogu qabto, waxaa loo xil-saaraa dad bulshada ka mid ah oo loogu doortay tilmaamo ku habboon buuxinta baahiyaha guud. Haqab-tirka danta guud waxaa tusaale u ah samaynta hay’ado guud ama dowlad dadka u dhexaysa. Ujeedka ugu weyn oo awood sharciyadeed loo siiyo qeyb bulshada ka mid ah (SHAQAALE DOWLADEED) waa in la il-tiro baahiyaha bulshada. Si isla xisaabtan loo helo, waxaa dowlad walba ka koobantahay laamo siman, iskaba isna dheelli-tira oo adeeggoodu is-dhammaystiro. Qormadani waxay daarantahay in aan ku iftiiminno kaalinta Xildhibaannada iyo matelaaddooda bulshada. Soomaaliya waxaa ka jira hab dowladeed oo federal ah kaas oo heer qaran iyo heer maamul-goboleed u qeybsan. Xildhibaan walba oo heer qaran jooga waxa uu si guud u matalaa shacabka Soomaaliyeed oo idil, isla markaasna wuxuu si gaar ah ugu qareemaa gaarsiinta adeegga dowladda ee deegaankii sida gaarka ah looga soo doortay. Matalaadda Xildhibaanka ee gobolkiisa ama qabiilkiisa macneheedu ma ahan in uu sad-bursi u raadiyo beeshiisa ee waa in uu si guud ugu qareemaa ummadda Soomaaliyeed isla markaasna gobolkiisa uga war hayo xogta gaarsiinta adeegyada kala duwan ee dowladda. Si looga gudbo marxaladda hadda lagu jiro ee dowladnimadu taag darantahay, waxaa lagama maarmaan ah in la helo gole shacab (BAARLAMAAN) oo lagusoo xulay kaalinta ay ka qaadan karaan in waddankaan laga gudbiyo marxaladda qabiilaysiga isla markaasna dowladnimo casri ah u gaarsiin karaan waddanka. Waxaa muhiim ah in aan bidhaaminno in haddii dowladda Soomaaliya sidaan usii taag darnaato aan cidna caano badan ka dhamayn (qabiil iyo qof toona). Haddiise lagu tartamo in bulshada loo dooro dadka ugu habboon ee dowladnimada cagaha u dhigi kara, waxay u badantahay in loo gudbo marxalad ka habboon midda maanta ka jirta waddanka. Sida saxda ahi waxaa weeye in Baarlamaanku yahay hay’adda ugu muhiimsan ee hay’adaha dowladda maaddaama ay doortaan isla markaasna ansixiyaan madaxda hay’adda fulinta, qorshayaasha shaqo ee degsan, raacidda dastuurka iyo jebintiisa. Haddaba qof walba oo xilkaas soo raadsanaya waa in uu marka koowaadba naftiisa qiimeeyaa kana eegaa tilmaamaha soo socda: Alle ka cabsi: Bulshada Soomaaliyeed waa wada Muslim, sidaas darteed qofkii xil guud qabanaya waa in uu si dhab ah u raaco waddada sharciga ah ee uu ku ilaalin karo naftiisa iyo danaha shacabka uu adeegaha u yahay. Aqoon: Cilmigu waa arrinta ugu muhiimsan oo laga eegi karo ruuxa doonaya inuu dowladnimada wax ka dhiso. Waloow aysan shardi buuxa u ahayn in uu guulaysanayo qofku, misana in uu aqoon leeyahay waxay fure u tahay in uu miisaan saari karo dowladnimada ka jirta adduunka iyadoo lagu beegayo duruufaha Soomaaliya ka jira. Ruux aan awood u lahayn in uu cilmi ahaan wax usoo kordhiyo misana aan guddi farsamo ku biiri karin ama aqoon ahaan u sixi karin siyaasadaha qaranka ama xataa xeer dejinta aan kusoo biirin karin habraac, wuxuu ka dhiganyahay qof habeen guuraynaya meesha uu u socdana aan garanayn. Aqoontu waxay u fududayn kartaa ruuxa xildhibaanka noqonaya in uu si togan uga qeyb qaato geedi socodka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya higsanayso. Khibrad shaqo dowladeed: Qofka ka shaqeeya xarumaha gaarka ah ama khibrad shaqo oo dheer aan u lahayn dowladnimada waxaa ku adag in uu muddo kooban ku fahmo galaangalka iyo xisaabaha dowladda. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la qiimeeyo ruux isku darsaday aqoontii horay aan usoo sheegnay iyo khibraddii shaqada dowladnimo oo isku dhafan si marxaladdaas looga gudbo. Dad badan oo u beretamaya matalaadda bulshada ay kasoo jeedaan, waxay ogyihiin in aysan ku habboonayn qabashada shaqada ay u ordayaan misana dano gaar ah dartood ayay waqti iyo dadaalba ugu bixiyaan in ay ku guulaystaan, misana muddada ay baarlamaanka joogaanna culays ayay ku yihiin horumarka dowladnimada maaddaama aysan wax la taaban karo soo kordhin ciddii booska ku habboonaydna dhaafiyeen. OGOOW OO MEEL HORUMAR KA JIRO AYAA HUNGURI LAGA RAADSAN KARAA EE MEEL HABACSANI DHISME IYO HURITAAN AYAY U BAAHANTAHAY. Daacadnimo: Ruuxa doonaya in uu xildhibaan noqdo, waa in uu ogyahay inuu daacad ka noqonayo u adeegidda ummadda uu matalayo kuna xisaabtamaa booskaasu in uusan ahayn wax dan gaar ah “shakhsiyadeed” lagu fushado ee uu yahay wax weyn oo ALLAAH kala xisaabtamayo ummadda uu xilka u qaadayna si siman oo niyad furnaan ku dheehantahay ugu adeego. Haddaba, waxaan booskaas geyin ruux walba oo ujeedkiisa koowaad yahay in uu dan gaar ah ka raadiyo ama shaqaale laaluush ah ku bixiyo sidii uu dadka kale uga marooqsan lahaa. Hufnaan: Xildhibaanku waa in uu ilaaliyo hufnaanta booska uu joogo kana dagaallamo wax walba oo jabinaya xeerka bulshada u yaal iyo nadiifnimada danta ummadda. Haddiise ujeedka koowaad ee xildhibaanku yahay in uu ka sameeyo dhaqaale aan sharci ahayn, waxaa khasaare weyn ugu sugantahay isaga iyo ummadda uu matalayaba waxayna u badantahay in uu aqbalo laaluush ama xadgudub guud oo lagu sameeyo sharciga dalka. Turid bulsho: Waxyaalaha lagu garto qofka daacadda u ah hirgelinta danta guud waxaa ugu horreeya in qofku karti u leeyahay in uu dantiisa gaarka ah u huro danta guud ee bulshada u dhexaysa, sidoo kale waa in qofka xilka haya ama raadinaya damiirkiisu ku hago u turidda bulshada uu adeegaha u yahay ama u noqon doono. XULASHADA XILDHIBAANKA Xilliyada ay soo wajahantahay doorashada dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaa loo beretamaa xulashada xubnaha baarlamaanka (iyadoo ilaa hadda ku salaysan habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5). Sida saxda ahi waxay ahayd in bulshadu doorato isla markaasna sharciyaddu gacanta dadweynaha ku jirto si loo kala saaro dadka u tartamaya matalaadda bulshada, hase ahaatee waxaa hadda lagu saleeyay in 101 qof doortaan xildhibaan walba oo aqalka shacabka ah taas oo laga yaabo in ay dhaanto marxalado tagay. Haddaba, ergada kala saaraysa baratamayaasha xilka waa in ay qudhoodu yihiin dad danaynaya danta guud ee bulshada oo xuli kara ruuxa ugu habboon booska. Haddii aynu ka eegno dhanka qabiilka, sida saxda ahi waxaa weeye in beel kasta oo soomaaliyeed usoo dirsato dadka ugu tayada fiican si matalaaddoodu magac ugu soo jiiddo beesha isla markaasna dantii guud iyo geeddi socodkii dowladnimada ay qeyb lixaad leh uga qaataan. Nasiib darro marar badan waxaa dhacda in calafku raaco ruuxa ugu laalaada inta xilkaas xildhibaanimada hollisay maaddaama dano kale iyo saameeyayaal baban ay ku gadaamanyihiin xulashada xildhibaanada. Waxaa si weyn u muuqda xusul duub baahsan oo dad kala duwani ku doonayaan in ay helaan xubinta beeshooda. Waloow guushu badanaa ku xirantahay calaf xagga rabbi jira, misana waxaa marar badan soo baxa in dad isku beel ah ku kala dhintaan raadinta xilkaas. Waxyaalaha bulshada ku baahsan waxaa ka mid ah in qof la dacaayadeeyo ama xataa sharaftiisa ama qofnimadiisa la duro iyadoo qof kale loo ololaynayo. Sidoo kale waxaa dhacda in utuhun beeleed ka dhalato taageeridda qof ama mucaaradidda qof kale iyadoo dadka wax taageeraya ama wax mucaaradaya aysan ka eegayn danta bulshada ee xigaalaysi ama qof jeclaysi ay ku salaynayaan. Kollay iyada oo xubin walba uu ku guulaysan doono ruuxa calafkiisu yahay, waxaa habboon in aysan aloosmin colaad iyo utuhun dad ehel ah dhexdooda ka dhalata. Musuq baahsan ayaa la sheegaa in uu dhaco xilliyada xulista xubnaha baarlamaanka. Halbeegga badanaa bulshadu is weydiiso marka ruux usoo istaago, xilkaan asalkiisaba loogu talogalay in dadweynaha lagu matalo, waxaa weeye HEBEL lacag uu ergada siiyo ama olole ku galo ma haystaa?. Asalka wixii sharci darro lagu bilaabo waxay u badantahay in ay hagardaamo iyo dibindaabyayn danaha bulshada ku dambeeyaan si guudna ummadda Soomaaliyeed iyo dowladnimadeena curyaamiyaan. TALOOYIN Si looga qeyb qaato hirgelinta dowladnimo casri ah oo shacabka Soomaaliyeed danihiisa ku filan waa in la helo matalaadda ugu habboon ee xubnaha baarlamaanka. Masuuliyaddaasina waxay saarantahay guud ahaan shacabka gaar ahaanna inta ku lug leh xulista xildhibaanka. Bulshada: Qeybaha kala duwan ee bulshadu waxay codkooda ku gaarsiin karaa cid walba oo ku lug leh soo xulidda xildhibaanka beeshooda sidaas darteed waa in loo qareemo in matalaadda bulshada loo xulo cid lagu kalsoonyahay in ay waxtar u leedahay ummadda Soomaaliyeed isla markaasna beeshu ku faani karto mustaqbalka. Waxaa dhici karta in kursigaas ay u tartamaan dad aan ku habboonayn markaas oo kale waa in la isku dayo in la raadiyo cid kale oo beeshaas ku abtirsata oo loo filayo in ay geydo kursiga. Sida marar badan dhacda, waa in aan qof jeclaysi iyo xulufaysi loogu ololayn qof aan mudnayn xilka. Masuuliyiinta Dhaqanka: Maadaama beelaha Soomaaliyeed leeyihiin oday dhaqameed kala maddeeya qeybtanka beesha, waa in ay ilaahay uga cabsadaan cidda ay u astaynayaan ergada xuli doonta xildhibaanka. Dadka indheer garadka ah ee mudan in ay miisaanka adeegga bulshada ku began beratamayaasha waa in loo doorto ergada. Ergada xulista xildhibaanada: Wax qabadka Xildhibaanka iyo wax yeeladiisuba waxay saamaynayaan ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxaykusoo laabanayaan bulshada laga doortay. Sidaas awgeed waa in ergada kala saarista tartamayaashu si eex la’aan iyo laaluush la’aan ah u doortaan ruuxa ugu mugga weyn. Waxaa ilaahay hortiis lagula xisaabtami doonaa qof walba oo eexiya lacag laaluush ah ama qabyaalad ama kooxaysi oo ruux uu aaminsanyahay in lagaga habbonyahay u codeeya. Sidoo kale, marka laga yimaado ciqaabta dambe ee aakhirada, qof walba oo ergada ka mid ahi wuxuu guranayaa miraha go’aankiisa inta adduunka la joogo oo haddii uu ruux laga habboonyahay u codeeyo dantiisa ayuu beeciyay hadimmana wuxuu geliyay mustaqbalkiisa iyo ehelkiisaba. Dowladaha/maamullada: Gobollada kala duwan ee Soomaaliya waxaa ka taliya dowlado masuul ka ah dhammaan bulshada ku nool deegaannadaas. Masuuliyiinta dowladda oo qeyb weyn ka qaadan kara xulashada xildhibaanada ayaa iyagana waxaa saran masuuliyad weyn. Tartamayaasha: qof walba waxaa masuuliyad ka saarantahay in uu naftiisa xakameeyo oo uusan bulshada danaheeda ku xadgudbin ama aakhiradiisa iyo adduunkiisaba uusan qunsur gelin. Qofkii dareensan in xilka uu raadinayo cid ka mudani joogto ama u tartamayso, waa in uu isagu is xisaabiyo oo uusan musuq iyo laaluush ku raadin helitaanka booska. Maaddaama miraha dowladnimo taabba gasha ay guranayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waa in ruux walba u turo bulshada iyo danta guud si uu isaga iyo ehelkiisuba uga faa’iidaan natiijada togan ee ka dhalan karta matalaadda shacabka. Xildhibaanka guulaystay: (b) Marka koowaad waa in uu ogaado ruux walba oo ku guulaysta kursiga matalaadda shacabka (xildhibaanimada) in calafka iyo qaddarta rabbi uu ku helay kursiga sidaas darteed (t) muddadii tartanka lagu jiray ciddii wax dhex mareen uusan raadraacin isla markaasna ogaado kuwii la tartamayay iyo kuwii ka ololaynayayba in uu isagu ku matalo heer qaran. (j) Xildhibaan walba oo kursiga beeshiisa hela waa inuu ogaado inuu rajo u yahay bulshada Soomaaliyeed guud ahaan isla markaasna u uku shaqeeyo rabitaanka shacabka oo uusan koox gaar ah ama reer gaar ah sadbursi u raadin. (x) Xilliga doorashada iyo muddada ka dambaysa oo shaqada joogtada ah lagu jiro waa in xildhibaanku ilaaliyo joogtayna daacadnimada iyo u turidda bulshada Soomaaliyeed. (kh) waxaa kale oo muhiim ah in xildhibaanku u dhexeeyo bulshada ee uusan u adeegin koox ama qabiil gaar ah. Qore: Ismail Abdullahi Elmi The post Mudnaanta Matalaadda Bulsho – Maqaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites