Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu madaxweyne Deni ka yiri arrinta dekedda Boosaaso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kal-fadhiga 47-aad ee golaha wakiiladda Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo la xariira marxalada siyaasadeed ee dalka, tan maamulkiisa iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay heshiiska sanadkii 2017-kii dhexmaray maamulka Puntland iyo shirkadda Dp World oo gacanta ku heysa dekadda magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weli uusan fulin heshiiskaas, islamarkaana xukuumaddiisu ay wax ka qaban doonto arrimaha dekadda Boosaaso.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay si weyn ula socdeen xaaladaha ka jira dekadda, islamarkaana ay haatan Puntland wada-hadal kula jirto shirkadda DP World, si loo xaliyo dhaliilaha ka jiro dhinaca shirkadda.

Ugu dambeyn madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullahi Deni ayaa carabka ku dhuftay inay ka jawaabi doonaan cabashada ka soo yeertay shacabka iyo ganacsatada ee ku aadan dekadda Boosaaso, xilli ganacsatada qaarkood ay sheegeen in ay dhibaato ku qabaan dekaddaas oo ay carro badan buux-dhaafisay halka ay maraan doomaha iyo maraakiibta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this