Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn khasaare geysatay oo ka dhacday magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar goor dhow naga soo gaaray xaafadda Xoosh degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in halkaasi is-rasaaseyn kooban ay ku dhex-martay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Xarakada Al-Shabaab.

Ninka la tilmaamay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa ugu horreyn weeraray askarta, hase’ahaate iska cabin ay sameeyeen waxaa halkaasi ka dhashay Khasaare kala duwan.

Sida ay innoo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Dharkenley waxaa halkaasi ku dhawaacmay 3-askari oo ka mid ahaa kuwa la weeraray iyo ninkii Shabaabka ah.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa waxa uu xaqiijiyey in haatan gacanta lagu hayo ninkii weerarka geystay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyp dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this