Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda U Dhaxaysa Trump Iyo Itoobiya Oo Xoogaystay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Itoobiya Oo U Yeedhay Safiirka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Gedu Andargachew, ayaa xafiiskiisa ugu yeedhay safiirka Mareykanka ee itobiya Mike Raynor si uu sharaxaad uga bixiyo hadalkii Trump ee ahaa in Masar ay burburin karto biya-xidheen ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile.

Mr Gedu ayaa hoosta ka xariiqay inay marin-habaabin tahay wararka sheegaya in biya-xidheenka uu hakinayo qulqulka biyaha wabiga Nile.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in madaxwayne Mareykan ah oo xil haya uu huriyo colaad dhexmarta Masar iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa dhanka kale u sheegay safiirka Mareykanka in Itoobiya aysan waligeed ka baqin hanjabaad ka dhan ah madaxbanaanideeda, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay sii wadaan wadaxaajoodka ay gadh-wadeenka ka yihiin midowga Afrika.

Mar sii horreysay ria’sul wasxaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa aanu u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaa ka dib markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Masar ay burburin karto biya-xidheenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile.

Mr Abiy Ahmed si toos ah ugama jawaabin hadalka Trump, balse waxaa muujiyay shaki ah waxa ku kalifay Mr Trump hadalka uu sheegay.

Dr. Abiy ayaa wacad ku maray in Itoobiya ay dhammeystiri doonto Biya-xidheenka. “Itoobiya isma dhiibi doonto gardara noocey doonto ha ahaatee,” ayuu yidhi Abiy Ahmed.

“Itoobiya waligeed jilbaha uma dhigan oo ma adeecin cadowgeeda, balse waxay xushmeysaa saaxibadeed, ma sameynayno maanta mustaqbalkana ma sameyn doono.”

Hanjabaad kasta oo arrintan ku saabsan waa “mid aan loo meel dayin, oo aan natiijo ka soo baxeyn islamarkana jabinaysa shuruucda caalamiga ah”. ayuu intaa ku daray

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this