Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Sirta Cadaawadii Siyaasadeed Udhaxaysay Qadaafi Iyo Sadaam Xuseen

Recommended Posts

Deeq A.   

1970-kii waxaa Aduunka katagay Hogaamiyihii weynaa ee Masar .Jamaal Cabdinaasir Xuseen Al-suldaan. oo ahaa ninka hogaamiya Caalamka Carabta. Awooda banaanatay
(فراغ السلطة)
Waxaa tartan ugallay Sadaam Xuseen iyo Qadaafi . oo labaduba Xukunka Wadamadooda qabsaday waqtiyo isku dhow Qadaafi wuxuu xukunka qabsaday 1969 halka Sadaam isna qabsaday Xukunka Ciraaq 1979 isagoo Inqilaab dhiig ku daadan Xukunka kaga qabsaday Axmed Xasan Al-bakar .oo ahaa nin soo gacan qabtay Sadaam Balse markii danbe Sadaam Xuseen .isku rogay xabsi gurina udiray .

 

sadam.jpg

1980 waxaa qarxay dagaalkii Udhaxeeyey Ciraaq iyo Iran . dagaalka ayaa salka ku hayey in Kacaanka Iran oo uu hogaaminayo Ayatullah Khumayni . ku fido Shiicada Ciraaq.

Dagaalka Liibiya waxay la safatay Iran iyadoo ku taageertay dhaqaallo ahaan Siyaasad ahaan Iyo Mallatariba . Liibiya waxay hubka Sida Gantaallaha Iskodka kasoo iibin jirtay Bariga Yurub kadibna usii gud-bin jirtay Daraf Sadexaad oo ah Jamhuuriyada Islaamiga ee Iran .Hada ku darsoo Gantaalahan waxaa lagu duqaynayaa Magaalooyinka Ciraaq oo ah dalka Bariga ugu xigga Dunida Carabta . intaas oo kaliya kuma koobnaan Qadaafi ee wuxuu taageero iyo saanadba ufidiyey Mucaaradka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq sida Jalaal Talabani iyo Mascuud Al-barzani oo booqashooyin ku Tagi jiray Magaalada Tripoli ee Caasimada Liibiya .

Sanadkii 1978 ilaa 1987 waxaa socday dagaalkii udhaxeeyey Jaad iyo Liibiya .dagaalka oo Liibiya ku rabtay in Mandaqada Qidaac Ows .oo ay leedahay Jaad Lagu soodaro Liibiya .maadama goobtan lagu tuhmayey inay ku jirto Macdanta Uranium.
dagaalka Liibiya iyo Jaad .dhexmaray oo Liibiyaanka lagu jabiyey Sadaam Xuseen .wuxuu Wadanka Jaad ku taageeray dhaqaale iyo Hub isagoo saraakiil tababarayaal Ciraaqiyiin ah udiray Jaad.

Caqliyada kaligii talisnimo ee udhaxaysay labada Nin ee Qadaafi iyo Sadaam ayaan ahayn mid usaamaxaysay inay Heshiiyaan . Tusaalle Liibiya waxay lahayd shiidaal Ciraaq iyana waxay lahayd .shiidaal mid kastaaba wuxuu doonayey in lacagta kasoo xaroota shiidalka wax .ku xukumo Qadaafi wuxuu ahaa nin wax .badan Akhriya sida kutubta Taariikhda falsafada iyo sugaanta .halka Sadaam Xuseen .ahaa nin aan wax .akhriyin .

2006-dii markii la daldalay Sadaam Xuseen . Qadaafi waxaa ku dhacay sas iyo baqdin uu ka qabay in loodillo sidii Sadaam .maruu Urrurka Jaamacada shir ku yeeshay Suuriya wuxuu Qadaafi ku khudbadeeyey in Hogaamiye kasta oo Carbeed ay sugayso Wadadii Sadaam Xuseen .la mariyey .

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this