Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani oo laga helay cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook ku sheegay in maanta laga helay xannuunka Coronavirus.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in uu galayo karaantiilka muddada xanuunka uu jirka qofka laga helo ku jirayo, inkasta oo uusan soo bandhigin haddii uu dareemayo xannuun iyo sababta keentay in laga baaro cudurka laga helay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddada 7-da cishe ah ee uu galayo karaankiilka (Dad ka fogaanta) in uu daryeelayo isla markaana uu la soconayo Xaaladdiisa Caafimaad.

122585227_388187122211596_56200774793176225_n.png?_nc_cat=110&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=W-uyrydTSxoAX8AnI28&_nc_ht=scontent-lhr8-1.xx&oh=474591a6b4ea78d2a581b8f814a7ee7e&oe=5FB965A5

 

 

Somaliland waxaa ka diiwaangashay kiisas kala duwan, inkasta oo la qaaday dhammaan Xayiraadii bilooyin kahor lagu soo rogay ee la sheegay in looga fogaanayo faafitaanka xanuunka Covid-19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this