Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Bin Salman oo Mareykanka laga Dacweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-19.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1Mohamed bin Salman


Haweeneeydi uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa Talaadadi shalay maxkamad ku taalla dalkaan Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Nowku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Kashikji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto.

Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki.

Kashikji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C.

PUNTLAND POST

The post Maxamed Bin Salman oo Mareykanka laga Dacweeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this