Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshihii soo xulista baarlamanka HirShabeelle oo hal caqabad ka gudbi la’

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Xubno kamid ah guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa sheegay in uu dhaqan geli waayay jadwalkii ay dhowaan soo saareen, kaas oo ku saabsanaa doorashada maamulka HirShabeelle.

Saraakiil ka tirsan guddigaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhaqaaqi la’dahay shaqada guddiga, islamarkaana ay ku hor gudban yihiin caqabado waa weyn oo curyaamiyay shaqooyinka horyaala.

Guddigaan ayaa sheegay in culeyska ugu weyn ee heesta uu yahay cabashada Beesha Xawaadle, kuwaas oo aan ilaa hadda xal loo helin, islamarkaana aysan odayaashooda dhaqanka wali soo gaarin Jowhar si ay uga mid noqdaan duubabka dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka.

“Culeyska ugu weyn waxaan kala kulmeynaa beesha Xawaadle, wax badan ayaa rabnaa inaa xeerino waana sababta uu u dhaqan geli waayay jadwalkii aan soo saarnay todobaadyo ka hor,” ayuu yiri mid kamid xubnaha guddiga oo la hadlay Caasimada Online.

“Shalay iyo maantaba waxaan rajo ka qabnay in ay na soo gaaraan ilaa haddana ma dhicin in dhaqanka Xawaadle yimaadaan Jowhar, waxaase ognahay in gacma gacmeys badan jiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan ka tirsan guddiga farsmada ee soo xulista baarlamanka labaad ee HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali aysan jirin cid xal u heshay cabashada beesha Xawaadle, balse ay hadda u muuqato in arrintu dhinac u dhici doonto maadaama wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu ka soo jeedo beeshaas lagana rabo dhismaha maamulka HirShabeelle.

The post Xog: Qorshihii soo xulista baarlamanka HirShabeelle oo hal caqabad ka gudbi la’ first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this