Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumadda Oo Mamnuucday Dadka Somalia Ee Tababarrada U Imanaya Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa Mabnuucday in Dad Soomaaliya ka socdaa Somaliland u yimaaddaan ka qayb-galka Siminaarrada, kulamada iyo shirarka.

Sidoo kale, Xukuumadda ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland ka mabnuucday inay ka qayb-galaan Siminaarrada, shirarka iyo kulamada lagu qabto Soomaaliya, halka sidaasi oo kale la mabnuucay in Somaliland la keeno dad ka socda Soomaaliya, si ay dalka ugaga qayb-galaan Siminaarro ama kulamada.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo bishii August ee sannadkan 2020 loona qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan.

Warqadda Amarka ah ee ka soo baxday Xukuumadda Somaliland oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Geeska Afrika ayaa lagu yidhi sidan “Dhammaan Kulamada, Siminaarrada, shirarka iyo dhacdooyin kasta oo dad ka soo jeeda dalal kala duwan waa in Waraaqo Caddayn ah laga helaa Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha dibedda, ka hor intaan shirka la qabanin.

Dhammaan kulamada, Siminaarrada, shirarka iyo Kulamo kasta oo Dadka u dhashay Soomaaliya lagu keenayo Sonaliland lama ogola.

Dhammaan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland looma ogola inay ka qayb-galaan kulamada lagu qabto Soomaaliya.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this