Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexaysa Shiinaha iyo Taiwan oo sii kululaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisadda dibloomaasiyadeed ee mudada dheer u dhexaysa Shiinaha iyoTaiwan ayaa Sababay in diblomaasiyiintooda uu gacan qaad ku dhexmaro dalka Fiji.

Taiwan ayaa ku doodeysa in laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta Qaranka ee Taiwan horaantii bishaan.

Labada dhinacba waxay sheegayaan in saraakiishooda ay ku dhaawacmeen gacan-qaadka, waxayna ka codsadeen booliska Fiji inay dhacdaasi baaritaan ku sameyaan.

Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobal dhulweynaha shiinaha kamid ah laakiin hogaamiyaasha Taiwan waxay ku doodayaan in ay yihiin dal madaxbanaan.

Xiriirka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oo la isu dirayo, oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho.

PUNTLAND POST

The post Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexaysa Shiinaha iyo Taiwan oo sii kululaatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this