Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo tababar cusub u furtay boqolaal askari + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada Turkiga ayaa tababar cusub u furtey  boqolaal ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya, tababarkaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Tababarkan, oo ka furmay xerada Turksom ee Muqdisho, ayaa waxaa la siinayaa guutada 6-aad ee ciidamada dhulka Soomaaliya, waxaana uu la xiriiraa ka hor-tagga argagixisada, sida lagu sheegay qoraay ay twitter-ka soo dhigtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa tababarka ka qeyb-galaya 450 askari, waxaana uu soconayaa illaa bisha March ee 2021, ayada oo xafladda dhaarinta askartan ay dhacday 15-kii October.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya, safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyo saraakiil sare oo ciidan oo ka kala socday labada dal.

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaashigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu tababaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka military-ga Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yılmaz.

Yilmax ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu “markii aan eegno wadarta guud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.”

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.14-1 WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.12 WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.13 WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.13-1-ANA-FOTO WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.13-2 WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.14

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this