Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad oo farriin cajiib ah u diray xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo war qoraal ah soo saaray ayaa farrin cajiib ah u diray xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-giisa ayaa marka hore tusaale u soo qaatay sawir ay ku jiraan sagaal wasiir oo ka mid ahaa xukuumaddii hore sidoo kalena uu ku jiro isaga, kuwaas oo qaarkood ay dhinteen, kuwana laga saaray golaha, halka kuwa kalena ay xukuumadda ka tirsanaayeen illaa laga rido.

Yuusuf Garaad ayaa yiri ” Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay wasiirada cusub ee imaan doono in aysan noqon qorshe la’aan, islamarkaana ay muhiim tahay in la yimaadeen qorshe guud oo dan u ah dalka.

“Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koobnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya,” ayuu markale yiri hadal yaqaan Yuusuf Garaad Cumar.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waa 2017. Waa sagaal Wasiir oo garbaha isku haya oo ka mid ah Xukuumad uu markaa uun Baarlamaanku kalsooni siiyay laguna hor dhaarinayo.

Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi.

Sagaalka Wasiir ee sawirka ka muuqda, saddex ka mid ahi waa ay geeriyoodeen. Allah ha u naxariisto.

Saddex waa laga saaray Golaha.

Saddexna waxay ka mid noqdeen Xukuumaddii uu Baarlamaanku kalsoonida kala noqday Bartamihii 2020, iyaga oo kala qeybsan oo qaarna ay ridayaan Golihii ay ka tirsanaayeen, qaar laga tiro batayna ay is leeyihiin daafaca.

Sagaalka Wasiir ee garbaha isku hayay, ku socday qorshaha Xukuumaddu, dariiqyada aan qaar ka soo noqoshada lahayn ee ay mareen, midna kuma fekereyn maalintaas.

Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koobnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya.

Is weydii sida dhici karta oo iyadana ka feker.

The post Yuusuf Garaad oo farriin cajiib ah u diray xukuumadda cusub first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this