Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax iyo ku-xigeenadiisa oo looga yeeray BF iyo kiiska ardayda dhacday oo meel sare gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka dalbaday wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre inuu hor yimaado golaha si wax looga weydiiyo imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan ay qaaday wasaaraddu.

Qoraal ka soo baxay guddigaas ayaa looga dalbaday wasiir Goodax inuu fadhiga golaha hor yimaado Arbacada soo socota.

“Anigoo fulinaaya amarka guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa inaad noogu timaadiin xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka, si aan wax kaaga weydiino natiijadii imtixaanka dugsiyada sare ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu ku saxiixanyahay Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Waxaan idinka rajeynaa inaad timaadaan xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 21-10-2020-ka.”

Dalabka golaha shacabka ee u yeerista wasiirka waxbarashada ayaa yimid kadib markii ay imtixaanka dowladda sanadkan ku dhaxeen in ka badan 8,000 oo arday, kuwaas oo 90% ah ardayda wax ku baratay gobolka Banaadir.
Dalab-U-Yeeris.jpg

The post Goodax iyo ku-xigeenadiisa oo looga yeeray BF iyo kiiska ardayda dhacday oo meel sare gaaray first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this