Deeq A. Posted October 16, 2020 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ku dilay ku dhawaad 50 ka tirsanaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo madaxii howl-galinta u qaabilsanaa gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalkaan ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay waxaana uu ka dhacay Tuuladda Buulow oo hoostagta gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Dnab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulada bululow lagu dilay In ka badan 50 dagaalyahan ah iyo madaxii howl-galinta Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Sabellada Dhexe. Saraakiisha Danab ayaa sarkaalka la dilay waxa ay magaciisa ay ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa howl-galinta Ugu dambeynti saraakiisha kumaandooska waxa ay sheegeen in meydadka xubnaha ay dileen ay ku aaseen tuulada buulo yareey shiiqaal oo ka tirsan Shabellada Dhexe View the full article Share this post Link to post Share on other sites