Jacaylbaro Posted February 23, 2010 Burco (Somalilandpress)- Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Biriij Saddexaad oo ku soo biiray Labadii ay hore u lahayd Magaaladu, kuwaaso mid kood dadweynaha ku dhaqani dhisteen, halka ka kalena uu ahaa mid hore u jiray. Biriijkan cusub ee lagu soo kordhiyay xarunta gobolka Togdheer oo uu dhismihiisa qaatay mudo dheer, aadna loo sugayay ayaa waxa fikirka dhismihiisa lahaa, isla-markaana maal-geliyay Company-ga caanka ah daafaha caalamka ee Dahabshiil, munaasibad balaadhan ayaana maanta daaha lagaga rogay, isla-markaana xadhigaga lagaga jaray. Maareeyaha shirkada Dahabshiil ee gobollada Bariga Somaliland, Mr. Nuux Siciid Ducaale oo hadalo ka jeediyay furitaankii bariijkan cusub ayaa carabka ku dhuftay inay shirkad ahaan joogtayn doonaan, oo aanay ka caajisayn hawlaha horumarineed ee ay ka wadaan gobollada iyo degmooyinka wadanka Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo mulkiilaha shirkadan caalamiga ahi, isaga oo farta ku fiiqay inay dedaal dheeri ah ugu jiraan sidii ay u sii wadi lahaayeen shirkad ahaan kor-u-qaadka iyo tayada biliceed ee magaalooyinka waawayn dalka. Munaasibada xadhigaga lagaga jaray Bariijka Saddexaad ee Burco yeelatay ayaa ahayd mid kulmisay wajiyo badan oo ka tirsan qaybaha bulshada, ah noqdeen Masuuliyiinta gobolka Togdheer, masuuliyiinta Axsaabta Qaranka ee heer-gobolka, Wasiiro ka yimi Hargeysa, kuwa hore ugu sugnaa Burco, dhalinyaro, haween, waxgarad iyo bulsho waynta ku dhaqan gobolka Togdheer gaar ahaan Burco. Masuuliyiinta soo abaabushay munaasibada Xadhiga laga jaray Biriishka Cusub ayaa madasha ka mabnuucay in la isku dhaafsado Ereyo ay ka muuqato siyaasada iyo kala jiidasho taageerayaasha Gobolka. Maaha markii koowaad ee Gobolka Toghdeer gaar ahaan Magaalada Burco laga hir galiyo Biriish, hase ahaatee mudo yar ka hor ayey hayd markii Biriish Laga qotamiyey badhtamaha magaalada Burco gaar ahaana wadada qaybta garoonka Kubada Cagta ee Burco. Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa Bariijkan Saddexaad ee laga bineeyay uu yahay fariin adag oo ay u dirayaan reer Hargeysa, kuwaasoo xukuumad, dadweyne, ganacsato, qurba-joog iyo qaybahooda kala duwaniba ay ku guul-daraystaan inay dhistaan Bariijkii Labaad ee magaaladaas oo roob daadad watay dumiyay sanadkii 2005-tii oo haatan laga joogo 5 sano oo waxyar la’. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Archdemos Posted February 23, 2010 great news, JB do you know if the Dahabshiil building that was being constructed in Hargeisa has finished yet? when i was last there in early 2009 construction was halted for some time. it was in an excellent locale near the bridge and opposite the round-about if my memory serves me correctly. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 23, 2010 it is still being built ,,,,, not sure if it will be completed that soon...... it is huge man ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted February 23, 2010 lol@still being built. JB can you ask Mayor Jiciir of what happened to the $$$ that was raised for Hargeysa bridge reconstruction 4 years ago? Quote Share this post Link to post Share on other sites