Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somali Love Letters

Recommended Posts

I think Jacayl’s love letter is composed for a nomad girl consumption. The vocabulary is very rich and only goat herder would understand it.

 

Below is a wadaad style love letter. It’s very short, concise and to the point.

=================================================

Ku: Walaashaydii Islamka Ceebla-cad

Ka: Walaalkaagi Islamka Xiinfaniin.

 

Assalamu Calaykum Ceeblay.

 

Kheyr badan baan kuu rajeynayyaa. Warkaaga iisoo gaaray. Inkastoo aanan ku arag, haddana aad baan kuu rabaa. Kittaabka Riyaalu-saalixiinkaan aan soo xasuustaa markaad maskaxday kusoo dhacdaba. Allaah ha isku kaaya barakeeyo. Aayad qur'aan ah oo soconaysaa aa tahay mar haddaad xijaabantahay. Illaahay khaatimada ha kugu sugo. Axaadiis badan baa kusoo aroortay fadliga guurka, waanan hubaa inaadan xoolo yaraan igu diidayn. Raggaygaan ku jiraa, laakiin inaadan muuqaal wax ku qiimaynaynin iyyana waa hubaa. Waan kula soo xiriirayyaa. Aniga waa iga go'aan ee adna reerka usii sheeg, aabanna igu salaam.

 

Wa biLlaahi tawfiiq.

Walaalkaa Xiinfaniin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lool Xiinfaniin,

 

lool@Kittaabka Riyaalu-saalixiinkaan aan soo xasuustaa markaad maskaxday kusoo dhacdaba

 

Raggeedi waaye

 

 

War Baashi, Icelandna ma ka dhacdey smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi, markay xaaladu saan oo kala tahay waa isku jir awoowe :D !

 

edit: nuune, iska waran saaxiib. Waxaan damcay inaan iraahdo Sarfigii :D baan soo xasuustay laakiin gabdhuhu Sarfi ma aqristaan (faclala :D ...)

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xiinfaniin lool sxb, waa nabadee see tahay,

 

maad ka deysid sxb gabdha badanoo yaqaano sarfigaa ayaa jiree, kuwa kuu sharxayo ficlu daxraja waa min wazni faclala, iyo ficilka mujarradka ah inuu imanayo asagoo ceyntiisu kasra tahay wa laamuhu wa faa'uhu saxiix yihiin gheyr muctal :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Is this where odayaasha SOL showcase their xodxodasho talent (or lack thereof) :D .

 

I find Somali love letters too fairy-talish and exaggerated.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

KoolKat

waa sidee dee abaayo, this jilci business is getting too far. You know people from North and my areas speak one dialect and your area another one. Why do you force people to go your way?

Anaguba afkiinan jiif jiifka u yaal ayaan u dul qaadanaa ee adkayso de! Dhegaa,
Luuq luuq maroow laazim laamiyaas ku dhacaa baa Af-Somaliga saxda ah noqday miyaa??????????

Maxaa tiri kusoo celibo? What area are you talking about, saa Soomaaligaa ku hadashid/qortid dialect aan horey u arkay/maqlay ma'ahaan umaleynaa...Bal ii jilci adna walaaloow...

 

Waa wareey, meesha ha la'is figaareeyo aaka dhacdee!!!!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Hunguri:

Show, meeshaba dadka jacayl ayaa wada hayay! Waxaan moodayay, jacaylku inuu kaligay igu yahay
smile.gif

Waryee, Jacaylka wado,oo isla wadaagta, ileen sidey ilatahay,dhankaagu ku waaberistaye. smile.gif

 

These letters are irrelevant, runtii,sowmahan? Who reads Somali these days? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Faarax. Below, is a letter written by Jacaylbro to his brother, who neither writes Somali nor reads. Jacaylbro, is using direct transilation from Somali into English smile.gif

 

=========================================

 

Dear bro Qawdhan,

 

I am sending you the best greatings, which comes from the bottom of my heart. You have the information, that I opened my wife. Because, the whole family knows that she cut of my leg. More and much problem, you remember our little dukkaan or shop. The shop stood up. Meaning, "got bankcrupted". Brother, I am very much worried. But, no problem. Allah, will enter into my shoulder. Lately, these days. My stomach is walking too much, and I frequently go to toilet. "meaning odayga calooshaa aad u socota". Waayo jacaylkiisii ayaa ka tagay smile.gif . Brother, Every body of our relative laughs at my love, and how I love this woman. I dont know, am I mad or people singing from Adan or Cadan. Walaahi, this woman made my life very miserable. Because, she stired the love with her leg. Meaning, "Jacaylkii ayay lugta ku walaaqday"... To be continued!

 

Sincerely, Jacaylbro Jucuf Jaanbad!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Haneefah:

Is this where odayaasha SOL showcase their xodxodasho talent (or lack thereof)
:D
.

 

Waa markaagii :D ! SOL odoyaal are generous to share few nuggets of wisdom as it regards to love.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Here's an old school love letter/poem from a woman [yes a Somali woman :D ], I thought back in the days women weren't allowed to speak much less vomit their heart out like Cawrala did..

 

Gacaliye Calimaax,

 

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,

Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,

Dabadeed aan kala Jiidanne’e, mar ila soo joogso.

 

Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiha jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro tanoo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.

 

Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

 

Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.

 

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,

Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

 

Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan.

 

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,

Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

 

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay.

 

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,

Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

 

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer.

 

Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale’e,

Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira,

Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye,

Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

 

Waxaan ahay haddi runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedi ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojee kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.

 

Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,

Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene,

Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye,

 

Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, mangaloot uduggiisa lahaa yow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waago beryaaya wajiigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo mnidadbka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, inaadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoray yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuude adiguna aad muutsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.

 

Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,

Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,

Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go,

Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye.

 

Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.

 

Ogoobey haddaan dayaxu jiriti, dirir ma nuureene,

Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,

Ogoobey haadday diiddo, waan degel baxaayaaye,

Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,

War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,

Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne.

 

Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggaan

 

Magaalada Xiis Xarrago

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this