Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somali Love Letters

Recommended Posts

Ku: Qalbigayga, Nuurkii indhahayga ,, heblaayo hebel

 

 

Waxaan hawada kuu soo marinayaa erayadan ka macaan malabka, ka udgoon cadarka kana quruxda badan dahabka saafiga ah.

 

Waxa aanan marka iloobaynin bilowgii is barashadeena, xiisihii kalgacalkeena iyo kobcintii jacaylkeena. Waxay ahayd talaabo ku bilaabatay si lama filaan ah kortay si lama ilaawaan ah.

 

Waxa aan xasuustaa maalintii ugu horaysay ee aad dhaayahayga soo hor marto adigoo la moodo cadceed soo baxday uduggaagana la moodayay cadar ka ugu udgood aduunka. Hillaac baa i hor maray, waxaan kala garan waayay inaan riyoonayo iyo in kele, indhahaan marmartay, wejigaan leexleexiyay dadkii aan la fadhiyayna waan ka dhex baxay ilaa aan xaqiisaday in aan soo jeedo adiguna aanad riyo ahayn ee aad dhab tahay. Araggaagu wuxuu igu ahaa sidii dheeman saafi ah oo lugaynaysa, tallaabadaadu waxay ahayd mid qofkii arkaa uu hinqanaayo oo aanan halkan ku sifayn karin habsamida ay lahayd.

 

Waxay iigu sii darnayd markaad i soo jalleecday iyadoo wejigaaga la moodayo xuural cayntii oo banaanka u soo baxday, quruxda indhaha, debnaha oo la moodo ubax afka kala furay xilli roob da'aayo cadceedduna sii dhacayso. Waxaan rumaysan kari waayay waxaan arkaayo lakin waxa intaaba igaga darnaa markii aad dhoolla caddaysay ee sidii hillaac roob oo waslad dheeman ah falaadhaha ku ganay aan ashqaraaray.

 

Dadkii ila fadhiyay hadal iyo gujo way igala quusteen ilayn nin maankiisa la qaatay baan ahay oo maqane jooga ahe. sidii baad qalbigayga u sidataa, sidii baanan kuugu hadaaqaa, habeenkii kugu riyoodaa, maalintiina aad ii hor joogtaa.

 

Macaaneey, qalbiyeey, nuurkii indhahaygaay, tii aan jeclaayeey, furihii qalbigaygaay, quruxdii aduunkaay, waan hubaa oo ninka ku helaa wax kele uma baahna intuu nool yahay. Maalinta aad barbarkayga jiifsato ayaa raaxo iigu horaysa, maalinta aan gacanta is qabsano ayaa naxariis iigu horaysa, habeenka aynu aqal galno ayaana nolol iigu horaysa.

 

La'aantaa hurdo ma ledo, la'aantaa cunto igama degto, la'aantaa qayb baa i maqan, la'aantaana nolosha geeridaa dhaanta.

 

 

Waa jacaylkaagii

hebel hebel

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Ahahaha smile.gif Waaryaahee. Orodoo niyow hadal-kan wax ku shukkaanso. This must be very impressive. Waa well written love letter. Laakiin, maxay kuugu taallaa waa hadal meel cidla ah ku dhacay!

 

;) they call this calaacal.com lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Long time, how have you been?

 

JB, noo jilci yaaqoo afSoomaaliga, wah...Inaa xoogi rabtid gabadha leeba lamoodaa...Jilci aboow! icon_razz.gificon_razz.gif

 

Bilaash Jaceylbaro la iima dhoho dheh, iyaah... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jacayl baro hasn't invented this. He merely recycled it from his old archives.

 

KoolKat

waa sidee dee abaayo, this jilci business is getting too far. You know people from North and my areas speak one dialect and your area another one. Why do you force people to go your way?

Anaguba afkiinan jiif jiifka u yaal ayaan u dul qaadanaa ee adkayso de! Dhegaa, Luuq luuq maroow laazim laamiyaas ku dhacaa baa Af-Somaliga saxda ah noqday miyaa??????????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adigu merely ku waalo ,,,,,,,,, adeer anigaa qoray ee ku soo dhowow , madashu way kuu furan tahay hadaad mid ku soo kordhinayso.

 

KK, wuu jilicsan yahay ,, intaas in ka badan ma jilcin karo sidaasaaban xadhko isku hayay oo aan is lahaa dadku ha fahmeen hadii kele af kele ayuu noqon lahaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I didn't say you didn't write it. I said you wrote it, not now but back then for real. Waa ku sideee, maanta miyuuna soo dhicin bahalkii indhahaad isku haysataaye?!! Waa warqad dhab ah oo aad gabdhaha ku waali jirtay, dayday yahow!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Alla ya cizak Alla ya cizak [shakes fingers on JB's head] :D , L00L. Aboo abooo, maxaa mid dhaaxe been ku soo xero gelisay shooow..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Yaa Kaa dhagaysan, boqolaal noocaas ah ayaad haysaa! By the way if you were not good in that department, then I guess qaybta Xoogaad aheyd! Ama kuwa ciyaalka orod iigu yeedh yidhaa!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nephthys:

Alla ya cizak Alla ya cizak [shakes fingers on JB's head]
:D
, L00L. Aboo abooo, maxaa mid dhaaxe been ku soo xero gelisay shooow..

looooool ,, thanks

 

lakin cidna kumaan soo xero gelin dee ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Ku: Qalbigayga, Nuurkii indhahayga ,, heblaayo hebel

 

 

Waxaan hawada kuu soo marinayaa erayadan ka macaan malabka, ka udgoon cadarka kana quruxda badan dahabka saafiga ah.

 

mid ay soo qortay soo qortay Nephy markaan arkay waan yaabay alaabtan JB oo kale ayaan ku qaraaban jirnay !

 

Originally posted by Geel_jire:

^
:D
looks like im out of touch

 

waxaa iigu danbaysay "Ka macaan malabka... ka udgoon cadarka"

 

alaabtaas goormaa laga baxay ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Dhuubo Dhexyar

 

Waa Miskiin meeluu ku soo mara waayey. Qofyahay kifaaxa nolosha cirriiri ha iska galin, annigana ha i cadibin fadlan ee mar isu kaaya keen aan kugu akhriyee. Indho Deeq inaad tahay oo waliba hablaha wax dheer tahay dhuubo iska kiyaaro waaye. Waa hubaa in aad waliba Maan Deeq tahay kaliya in aad i qaabishid lee rabaa kujecliyeey.

 

Xaafada Hibaaq Fu’aad aan isku arkeenaa. Kadibna qorshe kaaba ah oo kala xiran aa kuu habeeyey. Galabta khamiista 7pm. Hadii filinkaan shaqeeynin i soo text garee @ xxx xxx-xxxx.

 

Nin xiiso badan addigu kuu haya,

Miskiin Mashalaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

To: Masbal Muxiyidiin

From: Boolbaro

 

Masbaleey marka hore salaan muujisan oo muuqata midabkeeda kasoo go'dey mowjadaha dhiiggeyga iyo maqaalada lafaha niikada iga hoo mar aad mirqantidee, micna aad ku fadhidaa meel kasta aad ka muuqatid miyirkeey aad ku taalaa maankeey adaa qaatay maskaxdeey ma joogto mar kasta magacaa aan meel kasta ku sheegaa la igu maadsadaa inaan maraan ama mariil ahay ma u maleenaayi saas inaan ahay muxibadaa kalkaceelka aan kuu qabo aa i maroojisey mooradeeda minqarka ka dhigay mircood lagu shubey mallaay maraqiis,

 

maqrib iyo mashriq meeshaan tago madaxay magacaa masbal maka baxo, muran aa laigu diley inaan meel iska dhigo magacaaga masbal anna wa ka diidey murankiin marrabo aan dhahay mar haddiin ku arko mushaari kuu walaaqo malawax kuu dubo markaas aad ogaanee muxibadiin kuu qabo micnahay ku fadhido miizaanka ay leedahay , mawqifkeey mar hore aan kuu sheegay micna aas xanbaaranyahay Mowlahey Alle waaye Maalikul Mulki waaye Midigteey aas taaganyahay meel kasta aan maalin walbo maro ma daayo magacaaga muraadkeey ilaah ha sahalo maalintiin ku arko sidin kuu marjinaayo oon kuugu diimaayo ma maleen kartid masbaleey,

 

muuqaalkaaga aa i maan qaaday ku tuurey meel kale maradaada aad meedaarsantahay markiin arko mugdi anoo joogo waa ii muuqataa micna darro ma u marinaayi warqadaan mawlaca ma ka baxo mar kasta waa joogaa muraad aan akhristaa inaan maalin arko muuqaalkaa muranka uu dhamaado mishkilo ay meel kale aado anna meel aan fadhiisto midigtaa agteed ku raaxeesto muslimiin ii maciinto usheegto mishkiladeey ma arkin mana ka maarmi in la ii maciino, munaafaq ma rabo mooradiisa mar hore aas iyiri masbal mixibba hadiid u qabtid anaa kuu maciinaayo anigana marabo aan dhahay maqaaxi horteed aan ku murannay maqaarkeey waa dhamaaday saan maalin walba isku maraayay gabadh kasta een muuqalkeed arko u maleeyo masbal kadib laigu maaweeliyo masbal waa arkee mishkilada iska dhaaf malaariya aa kugu dhaceeso maando aa noqonee mixrabka aa ka niikinee anina waa ka diidaa warkood maka yeeli murankood iniis maskaxdeey marto miinshaar aan wattaa kii agteey soo maro magacaaga masbal soo mariyo ama sheego qoorta aan ka jaraa masaar aan ku faagaa madaxiis maka haraayi illaa aan mowtkiisa ka tillaabsado,

 

masbaleey ma ii jeedid miyaa rafaadka aan kuu marooyo mise maciin aaad heshay oo midigtaa fadhiyo mawqifkaa ii sheeg ma nooli ma joogi minanka maalintii dhan waa ka maqanahay ma garanaayo meel aan maraayo mar hadaan ku arko ma ku sii deenaayo meel kasta aad gasho makaa haraayi mooritaaniya aad ma haraayi muqdisho aad ma samraayo meeshiid gashid madaxeey waa galaa markaas aad arkee muxibadii jaceelka aan kuu micneeyay murtideey xanbaarsantahay mashaqadii isoo martay indhaheeyga misbaaxa noqdeen ma arki waxbo subixii saan u maqanahay maghribkaa iga taga anoo maroodi mooradiisa ku jiro meelaha awaaraayo ku moodo mulac maskiin oo meel iska fadhiyo maqaarkiis eber noqdey,

 

ma maleen kartid muxibadiin kuu qabo masbaleey maantoo dhan ma deenaayo malafkaan aan qoraayo majaroor maskin aa la i moodaa markii la i arko wax ma cuno mushaari ma miirto adi daraadaa aan maciin la'aan meelaha u maraa, hadda maxaa i leedahay mawqifkaa aan sugaa ku adkeesanaa inaan maalin ku arkaayo mugdiga iga dhamaanaayo maankayga soo noqdo maskaxdeyda taam noqoto miyyirkeyga juusto noqdo masbaleey micna weyn aa agteey ku leedahay ma garan kartid adiga anaa kuu muujinaayo micneenaayo mixnadiin soo maray mishkiladii i marjisay mashaqadii i maroojisay masharabkiin cabbo ma u maleeyo sharaab mindi aan moodaa maankey ma joogo masbaley adaa la tagay ma ogid laakin,

 

madiina aad aado magaca iska soo baddasho muuqaalkaa wareejiso mar kasta waa ku soo saaraa haiga dhuuman masbaleey mashrax aa tahay waa micdaartaa maraan haiga dhigin murugo haigu ridin misqool aan cunaa mircood aan ka daba geeyaa tiitiin mirihiis aan quutaa maalin kasto ma u jeedid miyaa saan ahay, mar isoo fiiri, muranka ha dhamaado, mawlaca aan kasoo baxo,maryaha aan iska xoorno, mugdi aan galno, mallaay camaleeti aan is rifno minyara ma keenaayi Maalikul Mulki aan ku dhaartay minweyn aan minyara laheen inaad noqoneyso aan kitaab ku maraa, muxaadara wax la moodo aan akhriyaa meeshiin maro laakin ma ahan muxaadaro madadaalana ma ahan maxay tahay masbaleey adaan ku weydiiyee? maxa sugee jawabta muxibada aan kuu qabo micneenteeda lee waaye.

 

BY BOOLBARO BARALAATI

 

 

PS: Wrote this back 2004, don't know what was I thinking of, Warqad Jaceel ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this