Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xildhibaano Farmaajo ka codsaday in beel gaar ah loo daayo madaxweynaha HirShabeelle iyo jawaabtiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sideed ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto gobalka Hiiraan, islamarkaana ka soo jeeda Beesha Xawaadle ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la sheegayaa in kulankaas uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

Xildhibaanadaan oo Madaxweynaha kulanka ka dalbaday ayaa sidoo kale waxaa la socday ugaas-ka beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo mas’uuliyiin kale.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Xildhibaanadan ay Madaxweynaha ka dalbadeen in kursiga Madaxweynaha HirShabeelle uusan tartan geli karin, oo uu u gaar yahay beesha ay matalaan ee Xawaadle.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay Xildhibaanada in kursiga doorashada Madaxweynaha uu yahay tartan u furan guud ahaan shacabka iyo beelaha HirShabeelle oo aysan jirin beel gaar u leh ama saami u leh.

“Madaxweynaha waxa uu yiri waa tartan furan kursiga Madaxweynaha, waana diiday is fahamkii hore loo gaaray mana ahan wax socon kara,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii shirka ka qeyb galay.

“Sidoo kale Madaxweynaha waxaan u sheegnay in doorashada ay boob ku socoto waana ka meer meeray balse waxaa yeelan doonnaa kulan kale beel ahaan waxaana go’aano ka gaari doonaa wixii nala gudboon,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii kulankaas ka qeyb-galay oo la hadlay Caasimada Online.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda doodo ku saabsan sidii laga yeeli lahaa doorashada HirShabeelle iyo tabashooyin ay qabaan beelaha qaar. Guddiga Farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad HirShabeelle ayaa dhinaca kale wata shaqooyinkooda caadiga ah inkastoo ay wajahayaan dhibaatooyin badan oo dhanka beelaha ah.

The post Xog: Xildhibaano Farmaajo ka codsaday in beel gaar ah loo daayo madaxweynaha HirShabeelle iyo jawaabtiisa first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this