Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo ka dhacay Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan oo u dhexeeya dableey ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose.

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ku weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Ciidamada AMISOM, ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab oo lagu tilmaamay mid gaadmo ah, islamarkaana waxa la sheegay in ay dib u laabteen kooxdii weerarka soo qaadday.

Khasaare kala duwan oo labada dhinac gaaray, ayaa la sheegay in uu weerarka ka dhashay balse faahfaahin sugan lagama hayo khasaarahaas.

PUNTLAND POST

The post Dagaal xooggan oo ka dhacay Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this