Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, Ibraahim Cumar Qaasim.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Wasiirka, oo ku taariikhaysan 10/10/2020, ayaa xilka looga qaaday Guddoomiye Ibraahim Cumar Qaasim, kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye u magacaabay Aweys Cabdullaahi Cumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale faray Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye iyo Shacabka in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada.

2-3.jpg?resize=691%2C1024&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this