Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayax badan oo fara kulul ku hayo beeraleyd gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii 24kii saac ee u danbeeyay uu Ayax guuraya ku dul dagay dhul beereed ku yaala duleedka Bari ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan deegaanka Dayax oo 10 km dhanka Bari kaga beegan magaalada ayaa waxaa qaar ka mida beeraleyda deegaankaasi oo Warbaahinta Qaranku ay booqatay u sheegeen in Ayax aad u badan uu ku dul habsaday beerahooda isla markaana uu bur buriyay dalagyadii u baxayay, iyadoo beerahaasi ay ka muuqanayeen dhibaatooyinkii uu Ayaxu ku reebay.

Guddoomiye ku-xigeenka iskaashatooyinka Beeraleyda Gobalka Mudug mudane Cabdiqaadir Macalin Cadde oo booqday beeraha ay waxyeeladu kasoo gaartay Ayaxa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay beeraleydu dadaal fara badan u sameeyeen sidii Ayaxa ay uga saari laahaayeen beerahooda, balse awooda Ayaxu uu lahaa darteed ay sababtay in ay wax ka qaban waayaan intaa kadibna uu Ayaxu bur buriyay dalagyo fara badan oo ku yaalay beeraha deegaanada Xaar Xaar,.Booran, Cad,.Dayax.iyo Laase Caddale

Si kastaba Ayax fara badan ayaa 48-dii saac ee u danbeysay la arkayay, isagoo dul hee heebaya magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow dhow.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this