Deeq A. Posted October 10, 2020 Dalalka Armenia iyo Azerbijana ayaa heshiis xabad-joojin ah ka gaaray xiisad dagaal oo ku salaysan muranka dhulka xuduudka ah ee u dhexeeya labada dal. Mudadii labada todobaad ahayd ee colaaddu ka socotay halka la isku fara saaray oo ah xadka u dhexeeya labada dal ee Nagorono Karabakh ayaa waxaa ku geeriyooday dad tiradooda ay gaareeyso ilaa saddex boqol oo qof. Dagaalkaasi wuxuu bilowday 27kii bishii tagtay ee September,waxaana lagu tilmaamay dagaalkii ugu cuslaa ee xadkaasi ka dhaca tan iyo sannadkii 2016. Wada-hadalka debloomaasi ee lagu dhex dhexadinayay labada dal ee Armenia iyo Azerbijan ayaa waxa ka qayb-taaya dalal kala duwan iyo ururo caalami ah. PUNTLAND POST The post Armenia iyo Azerbijana oo heshiis xabad-joojin gaaray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites