Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad ka dhacay Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20201009_184830-1.jpg?resize=720%2C395&sOday kamid ah mudaharaadayaasha oo la hadlaya warbaahinta

Qaar kamid ah shacabka degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa maanta oo Jamce ahayd mudaharaad cabasho ah ka dhigay degmadaas.

Mudaharaadka ayaa looga soo horjeeday saami qeybsiga 5 xubnood oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku hordhisay golaha deegaanka degmada Badhan.

Qaar kamid ah mudaharaadayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay sheegeen in uusan caddaalad ku qeybin xubnaha cusub, kalana tashan qaar kamid ah beelaha deegaanka.

Mudaharaadayaasha ayaa dowladda ka codsaday in ay wax ka qabato cabashadooda la xiriirta saami qeybsiga golaha deegaanka degmada Badhan.

Golaha deegaanka degmada Badhan ayaa la dhisay bishii September ee sanadkii hore, waxayna ahaayeen 28 xubnood, basle hadda waxay noqonayaan 33 xubnood.

Wareegtada lagu magacaabay 5-ta xubnood

FB_IMG_16022617002025519.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Mudaharaad ka dhacay Badhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this