Somalina Posted September 9, 2010 Gabar Soomaali ah ayaa kaalinta koowaad ka gashay tartan Qur’aan akhris ah oo ay ku tartamayeen Arday ka kala socotay 21-dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Tartankaas oo ka dhacay magaalada Tiripoli ee dalka Liibiya ayaa waxaa ku guuleystay kaalinta koowaad gabar yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Xafsa C/raxmaan. Guddiga ay dowladda Liibiya u xil saartay tartankan Qur’aaan akhriska ah ayaa gabagabadii ku dhawaaqay in Xafsa C/raxmaan ay tahay ardayadda koowaad ee kaalinta koowaad ka gashay, halka kaalinta labaad uu galay wiil u dhashay dalka Suudaan, kaalinta saddexaadna uu galay wiil u dhashay dalka Marooko. Tartankan Qur’aan akhriska ah ayaa ah mid ay dowladda Liibiya sanad kasta u qabato arday ka kala socota waddamada Islaamka oo dalka Soomaaliyana uu ku jiro. Gabadha da’da yar ee u dhalatay Soomaaliya ayaa waxaa laga waday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho oo ah goob ay dadka reer Muqdisho badankood ku barakaceen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismalura Posted September 9, 2010 Maanshalah ! I am so proud of her. NinaNC any idea where I might find the audio or vidoe of the tartan or at least gabadha keeda. Eid mubarak abaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 9, 2010 Originally posted by Ismalura: Maanshalah ! I am so proud of her. NinaNC any idea where I might find the audio or vidoe of the tartan or at least gabadha keeda. Eid mubarak abaayo. Eid Mubarak to you too abaayo. To answer your question, there is no audio or video along with the article. Hopefully, it will be posted on YouTube soon IA. Waxaan ku soo heley Wiil yar oo tartanka Quran ka qeyb galey. Masha Allah. Oohin baa ku qabaneysa runtii markaad aragtid sida ilinta ugu daadaneyso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 9, 2010 Waa tan. Eebba ha u siyaadiyo aqoonteeda iyo garashadeeda Quraankeena Kariimka. Magaceeda waa Sumayo, not Xafso la soco hee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 9, 2010 Gabar Soomaali oo Xamar ka barakacdey ayaa ku qoran artikalka, adigana carab 2009 ayaad noogu soo dhejisey meeshaan. I give you a D- on your efforts to show us Xafsa (magaca xataa waa ka badashey). Bal ku noqo mar labaad Miskiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 9, 2010 I guess you didn't get the reason " " waxa meesha ugu dhajiye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 9, 2010 Ii jilce bal macalin Macruuf. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted September 9, 2010 maasha allah Xafsa, lets not have muran about her Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted September 9, 2010 Masha'alah, Ilaahay habarakeeyo Insha'alah. Aaamin Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 9, 2010 MashaAllah, wonderful indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Valenteenah. Posted September 9, 2010 Masha'Allah. I saw this on the news. The competition is apparently organised by Gaddafi's daughter. Quote Share this post Link to post Share on other sites