Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrixiinta madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo xalay dood kulul yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
dood.jpg?resize=640%2C420&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Kamala Harris, oo u tartamaysa xilka madaxweyne ku xigeenka xisbiga dimoqraadiga, ayaa xalay dood kulul oo ku saabsan xanuunka coronavirus isku dhaafsaday is aragoodii koowaad.

Ms Harris, ayaa Donald Trump ku eedeysay in uu yahay maamul madaxweyne kii ugu guuldarada badnaa taariikhda wadanka Maraykanka.

Mr Pence, waxaa uu sheegay in qorshaha musharax Joe Biden ee safmarka COVID-19, uu yahay mid uu ka soo minguuriyay siyaasadda aqalka cad ee hadda.

Musharaxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden, wuxuu saadaasha codadka kaga horeeyaa madaxweyne Trump, xilli maalinta doorashada ay ka harsan tahay 27 cisho oo keli ah.

Doodii sagaashanka daqiiqo aheyd ee xalay, waxay ka dhacday hoolka jaamacadda Utah ee magaalaa Salt lake.

PUNTLAND POST

The post Musharrixiinta madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo xalay dood kulul yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this