Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Aqalka Cad u qaabilsan Saxaafadda oo laga helay xanuunka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan aqalka cad ee Maraykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kayleigh McEnany, ayaa laga helay xanuunka COVID-19, sida ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka.

Kayleigh McEnany, ayaa sheegtay in dhawr jeer oo hore laga qaaday tijaabada xanuunkan, balse baaritaankii u dambeeyey uu caddeeyay in ay cudurka qabto, inkastoo aysan hadda ka muuqan calaamado caafimaad darro.

Mrs. McEnany ayaa noqonaysa sarkaalkii u dambeeyey ee aqalka cad ka tirsan oo laga helo xanuunka, iyadoo Sabtidii madaxweyne Trump Isbitaal la geeyey, ka dib markii Jimcihii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid-19.

Marka laga yimaado madaxweyne Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump, waxaa jiray dhawr mas’uul oo kale oo ka tirsan aqalka cad, kuwaas oo laga helay COVID-19.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Aqalka Cad u qaabilsan Saxaafadda oo laga helay xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this