Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Tigreega oo Xubnaha Ugu Jiro Baarlamaanka Ka Dalbay in ay Iscasilaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga xoreynta gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa fariin u diray xubnaha gobolkaas ku matalo dowladda dhexe ee federaalka, waxaana lagu amaray in ay iska casilaan xilalka ay ka hayaan golaha wakiillada shacabka iyo midka federeeshinka  oo ay ku matalaan gobolkaas.

Kulan ay yeesheen golaha fulinta ayaa lagu sheegay in muddo xileedkii Baarlamaanka uu dhammaaday , sida uu sheegay Natachew Reda oo kamid ah golaha fulinta ee xisbiga Tigreega.

“Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri.

Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii maalinimadii shalay uu  ku ekaa muddo xileedka Baarlaamanka federaalka Itoobiya, waxaana jirtay in doorashooyinka dib loo dhigay sababo la xariiray caabuqa xanuunka Corona oo dib u dhac ku keenay waqtigii loo dareeri lahaa doorashooyinka Baarlamaanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this