Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Ka Tirsan Guddiga Doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanno Gaaray Afmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka socday guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka iyo xuduusdaha maamul goboleedka Jubbalanad oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan federaalka ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Xidhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa kamid ahaa wafdiga,  Guddoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre iyo Xildhibaan Sahra Dable oo kamid ah golaha wakiilada Jubbaland ayaa qayb ka ah wafdiga iyo xubno kale oo ka tirsan gudiga doorashooyinka.

Wafdigaan ayaa u jeedka safarkooda waxaa laguu sheegay sidii loo dardargelin lahaa dhismaha golaha deegaanka oo lagu wado in loo dhiso oo ay yeelato degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, waxaana degmada ka socda abaabulka arrintaas lagu doonayo in lagu dhiso.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this