Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cumar Filish oo Sheegay Asbuuc in Lagu Farayo Waddooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Cumar Maxamuud Cumar Filish ayaa sheegay in la furayo wadooyinka magaalada, kuwaas oo dhagxaan waa weyne lagu gooyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaan la fulinaayo asbuuca gudihiisa waxaana uu  carabka ku dhuftay in weli ay taagan tahay duruufihii loo xiray ee dhanka amniga. “ Wadooyinka xiran oo badeecadihii ay halaabeen, amniga caqabad ayaa naga haysto waad ogtihiin, sidaas ay tahay cadaadis ayaan ku wadnaa in dhagxaantaas la qaado oo magaalada la isku furo, arrintaas meel fiican ayey noo mareysaa, muddadii sanadka ah  ee aan joogayna aad ayaan u cadaadinaayey, hadda asbuuc gudihiis inaan ku guulaysano ayaan rajeynaa” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa markii xilka loo magacaabay waxaa uu ballan qaaday in waddooyinka magaalada Muqdisho oo a dhigay dhagxaan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay in ku socodka magaalada uu furi doono xili uu jeediayey khudbaddiisii ugu horeysay markii la magacaabay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this