Sign in to follow this  
Deeq A.

24 ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ee caalamka oo soo qoray warqad xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradaha iyo Danjirayaasha Soomaaliya ee dibedda ayaa badankooda cabasho ballaaran ka muujiyey inaysan joogto u helin mushaharkooda iyo kharashaadka adeega socodsiinta howlaha xafiisyada.

Ku dhawaad labaatameeyo iskugu jira danjirayaal iyo safaarado ayaa helin lacagahaasi, tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2019 iyo bilo badan oo kamid ah sanadkan gaba-gabada ah ee 2020-ka, sida uu daaha ka faydayo nuqul ay heshay Caasimada Online, kaasi oo cabasho ahaan ugu qoreen Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

“Annaga oo kala ah Danjirayaasha, Qunsulada guud iyo Sii-hayeyaasha Magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan kaa codsanaynaa in la inoo fududeeyo bixinta qarashka adeegga ama socodsiinta howlaha Xafiisyada (Running Cost)” ayaa lagu yiri waraaqda cabashada ah ee Safiiradu u gudbiyeen DF.

“Mudane Wasiir, sida aad ka warqabtid labo rubuc ( two quarters) oo ka mid ah qarashaadkii 2019ka ayaa naga maqan oo ay shaqaaluhu nagu leeyihiin. Waxaa jira xaalado u gaar ah Safaaradaha aan ka howl galno oo aan xal loo heli karin haddii aan la helin kharashaadkaas”.

Safaaradaha kharash la’aanta ka cabanaya ayaa waxa kamid ah: France, Turkey, Kenya, Uganda, Italy, South Africa, UAE, Saudia Arabia, Yemen, Russia, China, India iyo Malaysia.

Sidoo kale danjireyaasha cabashadaasi xoogan u gudbiyay dowladda federaalka ayaa waxa ku jira Abukar Cusman Dahir oo ah Ergada Joogtada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, New York.

Waxay si wada-jir ah uga dalbadeen Sii-hayaha wasiir arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxda sarre ee dowladda, in  joogto loo helo kharashaadka Safaaradaha iyo mushaharka danjireyaasha, iyada oo la tixgelinayo duruufta Covid-19 iyo caqabado ay sheegen inay hore u jireen.

Waxaana xusid mudan in ku dhawaad lacag dhan 150-kun oo dollar, oo kharashaadka safaarada Faransiiska ee dowladda Soomaaliya weli aan la bixin oo lagu leeyahay dowladda federaalka.

Arrintan ayaa keeni karta in hakad ku yimaado howlihii shaqo ee safaaradahaasi, maadama ay xiligan baadi-goobayaan kharashaad tiro badan oo laga gaabiyey bixintooda.

Hoos ka aqriso Waraaqaha aanu helnay oo dhameystiran.
1j-Qoraalka-Danjiradda-ku-socda-Wasiirka 1j-Qoraalka-Danjiradda-ku-socda-Wasiirka Voucher-France-1.jpg

The post 24 ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ee caalamka oo soo qoray warqad xasaasi ah first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this