Deeq A. Posted October 4, 2020 Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay caasimadda waddanka Jabuuti halkaas oo uu doonayo in uu ka bilaabo ololihiisa doorashada madaxtinimada Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xafiiskiisa ololaha doorashada ayaa lagu wadaa in ay kulamo siyaasadeed oo ku wajahan ololaha doorashada ay ka bilaabaan waddanka Jabuuti. Mudane Khayre oo xilka Ra’iisul wadaaraha dalka hayay mudda saddex sannadood ah ayaa kadib markii Baarlamanku kalsoonida kala laabtay waxa loo diiday in uu sii wado shaqada iyadoo si ku meel gaar ah loo magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenkiisi. Sidoo kale waxaa laga hor istaagay in uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee la soo magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. PUNTLAND POST The post Ex. Ra’iisul wasaare Khayre oo u safray Jabuuti appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites