Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: R/W Rooble oo Axadda u baxaya safarkiisii ugu horreeyey ee dibedda

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuwait (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Axadda uu dibedda ugu baxo safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii xilkaas loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sida aan xogta ku helnay ka qeyb gali doona tacsi magaalada Kuwait ee dalka Kuwait loogu qabanayo amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah.

Sheikh Sabah ayaa geeriyooday 29-kii September, kadib muddo uu xanuunsanaa waxaana dalkaas lagu aasay isla maalinkii xigay ee 30-kii September. Waxaa uu ahaa 91 jir.

Si kastaba, Sheikh Sabah ayaa la filayaa in Kuwait loogu qabto munaasabad tacsi, baroordiiq iyo duco ah, oo ay ka qeyb gali doonaan inta badan hogaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in safarkan uu marka hore qorshaha ahaa inuu ka qeyb-galo madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee uu taas beddelkeed shalay aaday dalka Sudan, halkaasi oo uu kaga qeyb galay munaasabad ay heshiis siyaasadeed ku kala saxiixdeen dolwadda iyo mucaaradka dalkaas.

Safarka ra’iisul wasaare Rooble ee Kuwait ayaa imanaya ayada oo weli uusan soo dhisin xukuumad cusub, taasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo marka uu dalka kusoo laabto toddobaadkan.

The post Xog: R/W Rooble oo Axadda u baxaya safarkiisii ugu horreeyey ee dibedda first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this