Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ‘oo lagu dilay’ deegaanka Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgal ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dileen madaxii hoobiyeyaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka iyo xubno kale oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka, Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu dilay 17 dagaalyahano iyo madaxii hoobiyeyaasha ee Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Axmed ayaa magaca sarkaalka la dilay ku sheegay, Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer (Gaabshe).

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this