Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Sucuudigu oo soo saartay Go’aan ay la dhaceen Haweenka Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Sucuudiga oo oglaaday in haweenku ciyaaraan Golf-ka

.

.

Sucuudiga ayaa u diyaar garoobaya marti gelinta tartankii u horeeyey ee ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo heer caalami ah oo markii uu horaysay lagu qaban doono dalkaas bisha Noofember ee soo socota.

Boqortooyada Sucuudigu waxay qaban qaabinayasaa qabashada laba tartan oo ah ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo labaduba heer caalami ah. Ka koobaad waa tartanka Golf-ka haweenka ee Yurub oo socon doona inta u dhaxaysa 12-15 Noofember. Ka dibna waxa bilaabmi doona tartanka Golf-ka kooxaha haweenka Sucuudiga oo isna socon doona 17-19 isla bishaas.

Labada tartan waxay ka dhici doonaan garoonka Golf-ka ee Royal Greens.

Waxa marka hore lagu waday in tartannadan la qabto horaantii Maarij ee sannadkan laakiin waxa loo baajiyey fayraska korona awgii.

Agaasimaha fulinta ee qaban qaabada tartanka Golf-ka haweenka Yurub, Alexandra Armas, ayaa tidhi “aad baanu ugu faraxsannahay in aanu taariikhda galno oo aanu ka qayb qaadano qabanqaabda tartanka Golf-ka haweenka ee Sucuudiga ka dhacaya, waxaanu sidoo kalena ugu mahadnaqaynaa in Sucuudigu in aanu qabanayn oo keliya tartankaa ee xataa ka qayb galayaan haweenka Sucuudigu iyadoo weliba sannadkani yahay sannad adag oo soo food saaray ciyaaraha Golf-ka”.

Abaal marinta tartanka qof-qof ka ah waxa qiimaheedu gaadhaysaa hal milyan oo doolar, halka qiimaha kooxuhuna tahay 643,000 oo doolar. Waxaana ka qayb geli doona tartanka haweenka xirfadleyaasha Golf-ka ah iyo qaar kale oo aan ka qayb galin tartannada xirfadleyaasha Golf-ka.

Waxaana tartanku ka dhici doonaa goob deegaankeedu nadiif yahay [oon looga cabsi qabin fayraska korona].

Emmy Boland oo tartankii u dambeeyey ee Golf-ka haweenka ee ka dhacay Switzerland lagaga guulaystay horyaalka bishii Noofember horaanteedii ayaa tidhi “aad baan ugu faraxsanahay in aan arko xiligan in [dalkaa] lagu qabanayo tartanka Golf-ka haweenka”.

Royal Greens
Royal Greens

Waxaanay intaa ku dartay “waxaa sidaa ku furmaysa fursad kale oo ay haweenka ciyaartoyga ahi ugu diyaar garoobaan todobaad uu dhici doono tartanka ciyaarta aan jecelnahay oo lagu qaban doono dal ay ku yaallaan garoomo Golf-ka ah oo muuqaallo bilicsan leh”.

Laakiin Megan McLaren oo u dhalatay dalka Ingiriiska, tartankii ugu dambeeyey ee Golf-ka na ku guulaysatay ciyaaryahannadii ugu fiicnayd ee Yurub, ayaa ku gacan saydhay in ay ka qayb gasho tartankan markii hore ee la qaban lahaa bishii Maarij oo ku diiday in “ciyaaraha dano siyaasadeed looga faa’iidaysanayo”.

Sucuudiga ayaa lagu eedeeyey in uu tartannada ciyaaraha u qabto si uu indhaha caalamka uga jeediyo duruufaha xuquuqal insaanka ee dalka ka jira.

Laakiin masuuliyiinta qabanqaabinaya tartannadaas ayaa BBC-da u sheegay in dhamaantood looga gol leeyahay in taageerayaasha ciyaaraha lagu dardar geliyo.

Sannadkii hore ayaa Boqortooyadu qabatay tartanka feedhka culus oo dhexmaray Anthony Joshua iyo Andy Roys, waxa sidoo kale lagu qabtay dalkaas tartanka baabuurta ee Formula A iyo tartanka Golf-ka ee ATB iyo musaaracada WWE.

Waxa kale oo intaa dheeraa oo lagu qabtay dalkaa tartanka kubadda cagta ee Super Cup ee Talyaaniga iyo tartammo kale oo faro badan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this