Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney doorasho kaga guuleysatay nin ay xafiiskiisa ka shaqeyn jirtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney doorasho kaga guuleysatay nin ay xafiiskiisa ka shaqeyn jirtay

 shaqaale-300x168.jpg
 Waxay la wareegeysaa xafiiskii ay afar sano xaaqi jirtay

Haweeney lagu magacaabo Marina Udgodskaya, muddo afar sano ahna ka shaqeyneysay nadaafadda xafiiska gollaha deegaanka ee magaalada Povalikhino ee dalka Ruushka ayaa wacdaro ka dhigtay dalkaas kadib markii ay ka guuleysatay ninkii ay xafiiska u nadiifin jirtay.

Marina oo 35 sano jir ah ayaa haatan isu diyaarineysa in ay la wareegto xafiiskii ay xaaqi jirtay kadib markii ay ku guuleysatay doorashada gollaha deegaanka horraantii bishan.

Nikolai Loktev oo katirsan xisbiga talada haya ee Ruushka, xilkaasina hayay ayaa haweeneydan ku qanciyay in ay la tartanto oo ay u buuxiso shuruudda doorashada ee ah in halkii melba ay ku tartamaan laba musharax iyo wixii ka badan, maadaama aysan jrin cid kale oo la tartameysay.

Waxaa uu doonayay in uu dib usoo laabto, iyaduna ay u buuxiso shuruudda laga rabo.

Haseyeehsee xaaladda ayaa ku xumaatay Nikolai kadib markii ay haweeneydan uga adkaatay doorashada, waxaana lagu wadaa inuu xafiiska mar dahw ku wareejiyo

Arrintan ayaa soo jiidatay indhaha dad badan, qabsatayna warbaahinta caalamka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this