Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Xukuumadda Iyo Ciidammada Ammaanka Ugu Baaqay Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Xildhibaan Nin Banjarle Ah Ku Dhaawacay 3000 Oo Shillin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Gobolka Maroodi-jeex ayaa si ba’an eedo culus ugu soo jeediyey Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo lagu eedeeyey in uu dhaawac weyn u gaystay isaga iyo qaar ka mid ah eheladiisu wiil dhallinyaro ah oo la sheegay in uu meherad Barjarle ah ku haystay Agagaarka Meherad weyn oo Ganacsi oo Xildhibaanku ku leeyahay Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa markii uu soo baxay warka la xidhiidha dhaawaca wiilkan dhallinyarada ah ayaa waxa uu sheegay in xildhibaan Kijaandhe si ula kac ah u dilayay wiilka maadaama sida uu hadalka u dhigay uu marka hore gacantiisa ula tagay markii dambena u soo kaxaystay shan qof oo eheladiisa ka mid ah kuwaasi oo uu sheegay in uu maqlay in markii dambe xataa uu damaanad ku sii daayay isaga oo isticmaalaya awoodda xildhibaannimo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo arrintan layaabka dhalisay ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Arrinkaa uu ku kacay Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland waa arrin aad u fool xun. Waa arrin ugub ah. Waa arrin aan nin masuul ah looga fadhiyin. Isaga oo xildhibaan ah oo masuul qaran ah oo waliba hantiile ah in uu nin yar oo danyar ah oo miskiin ah ku dil supermarket kiisa hortiisa. Waxa igu maqaalo ah in uu inanka yari xildhibaanka waydistay saddex kun oo shilin oo Banjar ah. Isaga oo waliba ku yidhi dhawr jeer baad igala tagtay sida igu maqaalo ah anigu maan joogin goobtee. Kadib uu u soo degay oo dhirbaaxay kadibna yarkii ka falceliyay. Intaa kadibna uu xildhibaanku gurigiisii tagay oo uu shan qof oo qoyskiisa kasoo kaxaystay oo gaadhiga ku soo kaxaystay kadibna inankii yaraa oo meel fadhiga oo baasto yar ku cunaya meheradda ka soo hor jeedda wasaaradda gaadiidka, eek u naban banjarlihiisa ay ku boobeen wixii ay siteen oo la yidhi illaa girgirihii illaa daawihii laxooxda lagu dubayay ee birta ka samaysnaa ay madaxa kala dhaceen inankiina imika lagu daawaynayo cisbitaalka Royal ee Magaalada Hargeysa isaga oo miyir la’ yahay ”.

“Waa Arrin laga soo shaqeeyey oo abaabulan waana nasiib darro in nin dhan oo xildhibaan ah oo umaddiisa loo dhaariyay uu inan yar oo Banjarle ah ku dilo gacantiisa oo shan qof oo kalena qoyskiisa ka soo kaxaysto sidaana ku dilo waa ayaan darro weyn iyo wax ugub ku ah qarankeena. Dhawaaqa ugu dheer baan ku cambaaraynayaa. Waa in ay Golaha wakiillada, hay’adaha amniga iyo guud ahaan xukuumaddu waa in ay tallaabada ugu habboon ka qaaddaa. Xaaladda wiilkan ayaa hadal hayn badan dhalisay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this