Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin xaafadda Buundada-Yar ee degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar ka mid ah saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegaya inay ka hortageen weerarkaas, islamarkaana aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Xaaladda ayaa saaka degan, hayeeshee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howl-gallo baaritaano ah ka wada gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this