Deeq A. Posted September 30, 2020 Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Leego oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada Danab ayaa si nabadoon kula wareegay deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan gudaha deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey la wareegitaanka Leego, iyaga oo shaaciyey inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadaas. Leego oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sanado gacanta ku hayey dagaalyahanada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka deegaanka Leego. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites