Sign in to follow this  
Deeq A.

Murankii ka taagnaa garoonka Aadan Cadde oo xal laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in saacado kooban uu hakad ku yimid duulimaadyadii gudaha iyo howlihii kale ka socday garoonkaasi.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in sababtu ay tahay khilaaf soo kala dhex-galay hay’adda nabad-sugida Qaranka iyo mid ka kid shirkadaha duulimaadyada.

Inta badan shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada ayaa joojiyey saacado kooban shaqadii, iyaga oo gadood ka sameynaya khilaafka NISA iyo shirkaddaasi.

Axmed Macalin Xasan agaasimaha hay’adda duulista rayidka oo la hadlay Idaacadda Shabelle  ayaa dhanka kale beeniyey in shaqada garoonka ay istaagtay, balse waxa uu xusay in ay jirtay tabasho markii dambe la xaliyey.

Marar badan ayey howsha garoonka hakad u gashay siyaabo kala duwan, waxaana dhowaan jirtay in dibad-bax cabasho ah ay dhigeen qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka oo ka cabanayey shirkadda maamusha garoonka Aadan Cadde.

Dhowaan sidoo kale diyaarad ku dhacday garoonka ayaa saacado kooban hakad gelisay dhammaan duulimaadyadii garoonkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this