Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: LAFTA GAREEN oo shaaciyey arrin lama filaan ku noqotay xildhibaano badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka qeyb-galay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka, siiba kuwa ka soo jeeda maamulkaasi.

Lafta Gareen ayaa shaaciyey in xildhibaanada qaar looga xaq lahaa kuraasta ay ku fadhiyaan ee baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaan ay jiraan dad u soo dhintay oo mudan in lagu qadariyo ehelladooda, sida uu hadlka u dhigay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ma carab baabin kuraastaasi, balse wuxuu tilmaamay in xildhibaan kasta laga doonayo inuu xushmeeyo ehelka dadkii u dhintay arrimaha siyaasadeed.

“Kuraastaan qaarkood dadka u fadhiga waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa.” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Sidoo kaled wuxuu intaasi sii raaciyey “Is cafiskaan waa mid adduunyada iyo aaqiradeena u fiican, marka hore idinka wada shaqeynayay iyo guddoonkiina in aad is cafisaan, ninba si ayuu wax u arkayay, waa la kala qaybsanaa iyada oo xilal lakala raadinayo, waa in aan wada galnaa hal qaanad oo ah digil iyo mirifle oo ku adag dadka kale in ay galaan hal qaanad oo ay ku mideysan yihiin.”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan uu gaba-gabo yahay muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay xildhibaanadu isku diyaarinayaan inay aadaan doorasho, si ay markale ugu soo tartamaan kursiga xildhibaanimo ee beeshooda.

120264669_670952306874743_68204728867171 120384089_670952000208107_29532535643709 Lafta-gareen-1-696x464-1.jpg

The post Sawirro: LAFTA GAREEN oo shaaciyey arrin lama filaan ku noqotay xildhibaano badan first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this