Sign in to follow this  
Cowke

RPS Soccer Team To Hold 1st Of August Tournament. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

IMG_0573-300x225.jpg

 

IMG_0569.jpg

 

 

Kooxda RPS Oo Isu Diyaarinaysa Ka Qeybgalka Xuska 1-da August Oo Garowe Ka Dhici Doonta (Sawiro)

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Kooxda Kubada Cagta ee RPS ayaa isu diyaarineysa ka qeyb galka ciyaar xiisa badan oo lagu maamuusayo sanad guuradii 12aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland, ciyaartaasi oo ka dhici doonta 1-da Agoosto magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Kooxda RPS oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee kubada cagta magaalada Gaalkacyo ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafey waxaa ay wadeen aalamiito ay ku sameynayeen Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo, si ay firfircooni dhinaca kubada cagta ah ay u soo bandhigaan maalinta loo dabaal degayo munaasabada sanadguurada Puntland oo bilowga 1-da Agoosto ee sanad kastaa laga dhigo caasimada Puntland ee Garoowe.

 

Qaar ka mid ah Ciyaartooyda kooxda kubada cagta ee RPS ayaa Wakaalada wararka ee Raxanreeb waxay u sheegeen in ay aad ugu rajo weyn yihiin in ay soo qaadaan koobka loo dhigayo laba kooxood oo ka kala dhisan gobolada Nugaal iyo Mudug, iyadoo labadaasi kooxood tii soo baxdana la siin doono abaalmarinta koobkaasi lagu maamuusayo sanad guurada 12aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii maamulka Puntland.

 

 

Ciyaarta kooxda RPS ay u diyaar garoobayaan ayaa bilowga bisha soo socota ka dhici doonta Garoonka kubada cagta ee Mira Awaare Stadium ee magaalada Garoowe, halkaasi oo ay usoo daawasho tegi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland iyo dadweyne farabadan oo ka kala tegi doono gobolada maamulka Puntland.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this