Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-shabaab oo xeeladaysi cusub ka bilaabay Buuraleyda Calmadow

Recommended Posts

Deeq A.   
shabaabka.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Calmadow ee Gobollada Bari iyo Sanaag, ayaa lagu soo warramayaa in ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo cusub oo ka duwan kuwii hore.

Ilo wareedyo dhanka Amniga ah, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in Kooxda Al-shabaab ay dhaqdhaqaaqyo xeeladaysan ka bilowday buuraleyda Calmadow, gaar ahaanna dhanka Gobolka Sanaag.

Kooxda ayaa la xaqiijiyay in ay tan iyo todobaadkii hore degaanno kala duwan ka guur-guureen, islamarkaana u sii durkayaan dhinaca Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Ilaha xogtan soo gudbiyay, ayaa rumaysan in dhaqdhaqaaqa Kooxdaas uu yahay mid xeeladaysan oo ay ku doonayaan in ay uga baxaan go’doonka ka haysta dhanka Gobolka Bari, si ay u helaan marinno kale oo Raashinka iyo Saadku u soo maro.

Balse, Khabiir dhanka Amniga ah ayaa aaminsan in dhaqdhaqaaqa kooxdu uu yahay mid been-guur ah, oo ay ku doonayaan meel ay ka daba-maraan Ciidamada Difaaca Puntland oo culays xooggan ka saaray dhinaca Gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Xog: Al-shabaab oo xeeladaysi cusub ka bilaabay Buuraleyda Calmadow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this